Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Manchester United oo soo qaadaneysa Kieran Trippier

Manchester United oo soo qaadaneysa Kieran Trippier

0

Himilo – Manchester United ayaa lagu warramayaa in ay xiiseenayaan soo qaadashada xiddigga daafaca ugu ciyaara Atletico Madrid ee Kieran Trippier.

Sida ay werineyso The Telegraph, kooxda Premier League ayaa u aragta  mid  u muhiim ah naadiga isla markaana ku macquul ah ku biirtaankooda, xilli xiddigga uu saameyn wanaagsan ku yeeshay Atletico tan iyo markii uu ku biiray Wanda Metropolitano sannadkii tegay.

Laacibka qaranka England ayaa saftay 48 kulan dhammaan tartamada 15 kamid ah waxay ahaayeen La Liga iyo  Champions League inta lagu guda jiro ololahaan.

30 jirkaan waxaa heshiiskiisa kooxda kaga haray keliya 19 bilood, xilli Atletico dooneyso in ay qandaraaska u kordhiyaan.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version