Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Paulo Dybala oo xiisa ka helaya lix koox oo Premier League ka...

Paulo Dybala oo xiisa ka helaya lix koox oo Premier League ka ciyaara

0

Himilo – Juventus weeraryahankeeda Paulo Dybala ayaa la werinayaa in uu diyaar u yahay ku biiritaanka kooxaha Premier League marka uu furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Kaddib markii Manchester United iyo Tottenham Hotspur ku hungoobeen la saxiixashada xiddigan qaranka Argentina sanadkii 2019, ayuu 27 sanno jirkaan noqday laacib kamid ah kuwa ugu muhiimsan shaxda tababare Maurizio Sarri.

Si kastaba sheekooyinkaasi waxa ay noqdeen kuwa isbeddel uu ku yimaado markii uu kooxda yimid Andrea Pirlo, Dybala ayaana hal gool dhaliyay 10 kulan oo uu dheelay dhammaan tartamada.

Sida ay ku warrameyso 90 min, wakiillada Dybala ayaa sheegay in xiddigan uu xiiso uga imaanayo lixda koox ee ugu sarreysa Premier League, kuwaasi oo kala ah United, Spurs, Liverpool, Chelsea, Manchester City iyo Arsenal.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version