Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Juventus oo dalab ka gudbisay Olivier Giroud iyo Arkadiusz Milik

Juventus oo dalab ka gudbisay Olivier Giroud iyo Arkadiusz Milik

0

Himilo – Sida ay ku warrameyso Tuttojuve, Juventus ayaa ka shaqeeneysa sidii ay heshiis ula saxiixan laheyd midkood xiddigaha Olivier Giroud ama  Arkadiusz Milik marka la gaaro bisha Janaayo xilligaasi oo uu furmayo suuqa kala iibsiga ciyaartooyda.

Bianconeri ayaa la werinayaa in ay rabto sidii ay u heli laheyd shaqsi beddel u noqda Alvaro Morata kaasi oo ah weeraryhanka keliya oo ay heystaan.

Warbixinnadu waxay sheegayaan in Juventus bartilmaameedsanaayan Chelsea xiddigeeda Olivier Giroud iyo Napoli weerayahankeeda Arkadiusz Milik.

Olivier Giroud ayaa wajahaya dhibaato uu kula kulmayo naadiga Chelsea taasi oo fursad u siineysa Juve soo qaadashadiisa halka Arkadiusz Milik oo in muddo lala xiriirinayay u dhaqaaqitaanka Juventus xagaagan suuragal tahay in ay soo iibsadaan.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version