Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Wakiil Mino Raiola oo shaaciyay in Paul Pogba ku laaban karo Juventus

Wakiil Mino Raiola oo shaaciyay in Paul Pogba ku laaban karo Juventus

0

Himilo – Wakiil Mino Raiola ayaa shaaciyay in xiddigga uu wakiilka u yahay ee Paul Pogba, suuragal tahay dib ugu laabashada kooxda hanatay horyaalka Serie A ee Juventus.

Laacibka khadka dhexe ee Manchester United ayaa la sheegay in uusan ku faraxsaneyn joogitaanka Old Trafford isla markaana macquul tahay u dhaqaaqitaanka kooxdiisii hore.

Paul Pogba ayaa kasoo dalacay akadeemiyadda da’yarta Manchester United, isaga oo kulankiisii ugu horreeyay u ciyaaray Red Devils sannadkii 2011. Waxa uu  Old Trafford kaga biiray Juventus weliba si bilaash ah, inkastoo markii danbe qiimo sare uu dib ugu soo laabtay Man Utd.

Wakiil  Mino Raiola,  ayaa wareysi uu siiyay Tuttosport ku yiri: “Haa, Paul Pogba waxa uu dib ugu laaban karaa Juventus. Isagu kuma faraxsana Manchester United.”

Paul Pogba ayaa si joogta ah loola xiriirinayay kooxdiisii hore ee Juventus iyo naadiga La Liga  ku guuleysatay ee Real Madrid.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version