Himilo –Duulimaadka diyaarad laga leeyahay Mareykanka oo ka tagtay Miami islamarkaana ku socotay Los Angeles ayaa dib loo dhigay kaddib markii haweenay carreysan ay ninkeeda ku garaacday gudaha diyaarada.
Rakaabka diyaarada ayaa duubay dhacdada adag oo haweenayda ku garaacday ninkeeda kombuyuutar nuuca gacanta lagu qaato iyadoo qeylinaysa.
Sheekada la soo wariyay ayaa dhacday 21-kii bishan July, muuqaalka ayaa muujinaya haweenayda oo ku qeylinaysa “Ma waxaad dooneysaa in aad eegto haweenka kale, cadaabta gal.”
Ninka ayaa ku jawaabaya “Waxaad lumisay caqligaagii,” iyadoo intaa kaddib shaqaalaha diyaarada isku dayeen inay dejiyeen xaaladda markii la beddalay booska haweenayda.
Nasiib xummo, doodda ayaa sii socotay, waxayna keentay in lamaanaha laga saaro diyaarada oo wakhtigeedii laga dib dhigay.
Mid kamid ah goobjoogayaasha ayaa yiri “Haweenayda waxay ku dhawaaqaysay hadallo xun oo cunsurunimo ah oo aan inta badan la duubin.”
