Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Arrimaha Bulshada Maxaa dhacay markii rakaab uu ku dhintay gudaha diyaarad?

Maxaa dhacay markii rakaab uu ku dhintay gudaha diyaarad?

0


Himilo FM – Rakaab saarnaa diyaarad laga leeyahay New Zealand ayaa loo dejiyay dhulka muddo labo saacadood ah kaddib markii qof kamid ah rakaabka uu ku dhintay diyaaradda oo ku sii jeeday Auckland.

Diyaaradda oo tirsigeedu ahaa ANZ80 ayaa ka tagtay Hong Kong , waxaana duulimaadkeeda loo wareejiyay garoonka Cairns Airport oo ku yaalla Queensland. Waxay arrintan ka danbeysay markii qof kamid ah rakaabka uu u dhintay sababo aan la garan.

Inkastoo aan si rasmi ah loo oggaan sababta dhimashada ninka haddana warbixinada qaar ayaa tilmaamay in uu ahaa qof qaba cudurka macaanka isaga oo iska soo iloobay dawadiisa Insulin-ka.

Dhaqtar saarnaa diyaarada ayaa isku dayay inuu caawiyo qofka dhintay hase ahaatee ma aysan suura gelin taasi. Markii diyaaradda dagtay ayaa laga soo saaray meydka.

Xubin kamid ah booliiska Queensland ayaa sheegay in diyaarada ka timid Hong Kong islamarkaana ku socotay Auckland laakiin la wareejiyay duulimaadka kaddib markii la oggaaday dhacdada.

 Waxa uu intaa raaciyay “Ma idin siin karo macluumaad dheeri ah oo ku saabsan rakaabka innaga oo ilaalineyna xogta qofka ee gaarka ah.”

Diyaaradda ayaa gaartay halkii ay ku socotay laba saacadood kaddib .

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version