Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Macluumaad Maxaa dhacaya marka uu qof ku dhinto gudaha diyaarad?

Maxaa dhacaya marka uu qof ku dhinto gudaha diyaarad?

0

Himilo FM –Tirakoobyo ayaa muujiyay kororka dadka sida dabiiciga ugu dhinta gudaha diyaaradaha iyadoo loo tiiriyay rakaabka da’da fog gaaray.

Haddaba wargeyska The Sun ayaa isweydiiyay su’aasha ah ” Maxaa dhacaya marka uu qof ku dhinto gudaha diyaarad?

Wargeyska oo ka jawaabaya su’aashan waxa uu tilmamay in diyaaradaha qaar sameysteen meelo u gaar ah oo la dhigo meydka illaa diyaaradda ay ka caga dhiganayso.

Xaaladaha qaar, meydka waxaa laga dhigaa marinka yar ee diyaaradda hase ahaatee waxaa laga ilaaliyaa indhaha rakaabka oo laga dhowrayo baqdin iyo argagax.

Inkastoo diyaaradaha qaar aysan heysan meel ama boos laga dhigo meydka haddana waxaa la rumeysan yahay in dhammaan shaqaalaha diyaaradda u tababaran yihiin xaaladda nuucaasi ah.

Afhayeen u hadlay shirkadda diyaaradaha Ryanair ayaa u sheegay wargeyska The Sun in dhammaan diyaaradaha heystaan qalabka gargaarka deg degga ah, waxaana loo tababaraa shaqaalaha xaalad kasta oo imaan karta.

Waxa uu intaaa raaciyay afhayeenka in meydka la dhigo goob gaar ah oo ka fog kuraaasta rakaaabka, waxaa la saaraa maro iyadoo la ilaalinayo dareenka rakaabka diyaaradda.



NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version