Home Arrimaha Bulshada Maxaa ka dhaxeeya jimicsiga iyo xisaabta?

Maxaa ka dhaxeeya jimicsiga iyo xisaabta?

2

Himilo – Khubaro ka tirsan jaamacadda Geneva ayaa u kuur-galay saameynta uu jimicsiga ku leeyahay ka miro dhalinta barashada maadada xisaabta.

Cilmi baarista waxaa lagu wareystay 193 arday oo da’ ahaan u dhaxeeya 8 ilaa 12 jir. Waxaa loo dhabbo galay darajooyinkooda iyo heerkooda jimicsi.

Najiitada soo baxday ayaa noqotay in ardayda xisaabta ee jimicsiga joogtada u sameeya inay ka dhibco  sarreeyaan dhigooda aan sameyn jimicsiga.

Xeel-dheerayaasha daraasadda sameeyay ayaa ku taliyay in maamulaha goobaha waxbarashada inay ku dedaalaan sidii ay ardayda ugu hawli lahaayeen arrimo firfircooni galiya.

 

2 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version