Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Macluumaad Maxaa qasaare ah oo ka dhashay dibadbaxyadii Kenya?

Maxaa qasaare ah oo ka dhashay dibadbaxyadii Kenya?

0

Himilo – Ugu yaraan toban qof ayaa ku dhintay mudaharaad shalay ka dhacay dalka Kenya Sida ay sheegeen Guddiga Qaranka Xuquuqda Aadanaha ee dalkaas.

Sidoo kale xogta guddiga ayaa sheegaysa in ugu yaraan 29 qof oo kale ay ku dhaawacmeen dibadbaxyada Isniintii ka dhacay guud ahaan dalka.

Dibadbaxa ayaa sidoo kale saamayn ku yeeshay isku socodka iyo nolosha maalinlaha ah, waxaa la xiray waddooyinka waaweyn ee soo gala caasimadda iyo inta badan ganacsiyada. waxayna xannibeen dad badan oo lugaynayay, iyagoo u oggolaaday oo keliya shaqaalaha muhiimka ah.

Waddooyinka u dhow baarlamaanka iyo xafiiska madaxweynaha ayaa lagu gooyay siligyo bir ah oo fiiqan si loo hor istaago in la gaaro xarumaha dowladda.

Bayaan ay soo saareen booliska ayaa tirada dhimashada lagu sheegay 11, iyadoo la raaciyay inay jiraan tiro badan oo ka mid ah booliska oo la dhaawacay.

Dibadbaxayaal ayaa dab qabadsiiyay xarumo, waxay sidoo kale dhagxaan adeegsadeen ciidan, kuwaas oo iyaguna rasaas ugu wajaabay.

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version