Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Madadaalo McCarthy: Boliiskii isku beddalay Kabalyeeriga

McCarthy: Boliiskii isku beddalay Kabalyeeriga

0

Himilo – Boliis illaalo ka hayay magaalada ku taala wabiga jiinkiisa ee Murrieta ee gobolka California ee dalka Mareykanka ayaa joojiyay xilli habeen ah ruux jabiyay sharciga wado marista.

Qofkaasi oo ahaa adeege maqaayad oo siday dalab cunno bisil ah oo kulul, ayaa sida aad sawiraneysaba loo kaxeeyay dhinaca saldhigga oo la xiray, balse waajibkii saarnaa waa laga riday.

John McCarthy oo mid ka mid boliiskii goobta joogay ayaa qaaday dalbkii kuna hagaajiyay ruuxii lahaa si uusan kaga daahin dalabku cunnadana kaga qaboobin.

“Nasiib darro wadihii gaariga waa la xiray, laakiinse cabsi ma jirto oo sargaal McCarthy ayaa gababihiisii gashtay oo Pizzadii u geeyay muwaadinkii gaajoonayay”, ayaa lagu yiri qoraal koobnaa oo lasoo dhigay barta Instagram-ka ku leeyihiin boliiska magaalada Murrieta.

Dad kasoo aragti dhiibtay qoraalka boliiska ayaa ammaanay tilaabada uu qaaday  McCarthy oo muddo daqiiqado ah ahaa kabalyeeri.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version