Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Habka-Nolosha Mertesacker oo doonaya inuu ku soo laabto kooxda koowaad ee Arsenal

Mertesacker oo doonaya inuu ku soo laabto kooxda koowaad ee Arsenal

0

Daafaca dhexe ee qaranka Jarmalka iyo kooxda kubadda cagta Arsenal Per Mertesacker ayaa doonaya inuu dib ugu soo laabto kooxda koowaad ee Gunners.

31 jirkaan ayaa kursiga keydka ku soo bilowday shan kulan oo kamid ah siddeedii kulan oo ugu danbeeyay oo Arsenal ay dheeshay, Iyadoo macallin Wenger uu u muuqday inuu daneynayo Gabriel Paulista inuu ka garab dheelsiiyo Laurent Koscielny.

Jariiradda Jarmalka ka soo baxda sport1.de. ayuu laacibkan u sheegay inuu iminka bedqabo oo uu taam u yahay dheelista saacado badan uuse arko inuu waqti ku qaadanayo kursiga keydka, isagoo xusay inuu dadaal u geli doono sidii uu u soo ceshan lahaa booskiisa joogtada ah ee kooxda.

Arsenal ayaa iminka 11 dhibcood ka hooseysa dhigooda Leicester City oo hogaanka heysa xilli toddobo kulan oo qura ay horyaalka ka harsan tahay.

 

 

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version