Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Habka-Nolosha Rasmi: Antonio Conte oo noqonaya macallinka xiga ee Chelsea

Rasmi: Antonio Conte oo noqonaya macallinka xiga ee Chelsea

0

 

(Dhageeyso)

Kooxda ku safaadeysa horyaalka Ingiriiska xagaagan ee Blues ayaa maanta u magacawday Antonio Conte inuu noqonayo macallinkooda xiga.

Maareeyihii hore ee Juventus oo 46 jir ah ayaa dhawaan gaaray London, waxayna kooxda Stamford Bridge ka dhisan xaqiijisay in majaraha uu haatan wixii ka danbeeya u qaban doono Conte oo guulo ku hagay Juventus.

Leyliayhaan ayaa iminka wata xulka qaranka Azzurri, Galbeedka London ayuuna u soo wareegsan doonaa wixii ka danbeeya koobka qaramada Yurub oo sanadkan lagu dheeli doono Faransiiska.

Tababaraha reer Talyaani ayaana qallinka ku duugay heshiis saddex sanadood ah si uu u bedelo macallinkii dabayaaqadii sanadkii hore la eryay Jose Mourinho.

 

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version