Home Macluumaad Midowga Afrika: Dhaqaale-yaraanta caafimaadka waxay halis gelinaysaa la dagaallanka cudurrada Afrika

Midowga Afrika: Dhaqaale-yaraanta caafimaadka waxay halis gelinaysaa la dagaallanka cudurrada Afrika

0

Himilo – Mas’uuliyiin ka hadlay shir madaxeed gaar ah oo Midowga Afrika uga socda magaalada Accra ee Ghana ayaa ka digay in dhimista deeqaha caalamiga ah iyo maalgelinta hoose ee gudaha ay halis gelinayaan horumarkii Afrika ka gaartay la dagaallanka HIV/AIDS, duumada iyo qaaxada.

Agaasimaha Guud ee Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO), Tedros Adhanom Ghebreyesus, ayaa ugu baaqay hoggaamiyeyaasha Afrika inay kordhiyaan maalgelinta nidaamyadooda caafimaad, isagoo xusay in xoojinta adeegyada caafimaadku ay tahay mudnaanta ugu weyn ee qaaraddu u baahan tahay.

Dhanka kale, Agaasimaha UNAIDS, Winnie Byanyima, ayaa sheegtay in faafitaanka cudurrada iyo sinnaan la’aantu ay is xoojiyaan, taasoo dalalka ka dhigaysa kuwo u nugul masiibooyin caafimaad oo soo noqnoqda.

Shirkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ay la tacaalayso mid ka mid ah cudurradii Ebola ee ugu darnaa, kaas oo uu sababay fayraska Bundibugyo oo aan weli loo hayn tallaal ama daawo la ansixiyay.

Shirka oo soconaya laba maalmood ayaa diiradda lagu saaray xoojinta amniga caafimaadka Afrika, dhisidda iskaashi istaraatiiji ah iyo horumarinta soo saarista dawooyinka gudaha qaaradda.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version