Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Macluumaad Munirah: Waxey ku qaadatay 40 sano si ay gurigeeda kaga dhigto Madxaf

Munirah: Waxey ku qaadatay 40 sano si ay gurigeeda kaga dhigto Madxaf

0

Himilo – Waxey galisay afartan sano oo ka mid ah cimrigeeda si ay gurigeeda ugu rogto madxaf yar oo ay dadku usoo booqasho tagi karaan.

Munirah al-Sinani, oo u dhalatay Sacuudi Carabiya waxey sanadahaasi keydineysay agabyo qadiimi ah oo ay isticmaali jireen dadkii hore. Waxyaabaha hadda madxafka gurigeeda laga heli karo ka mida warqado la qoray 250 sano kahor, kirliyada kuwa kafeega lagu sameeyo ah.

Ku dhawaad 150 buursooyin gacan ku sameys ah oo laga raariciyay gedaalka guriga, Ookiyaalo boqol sano jir ah iyo agabyo kale, kuwaas oo la suray goona waliba oo madxafka yar ah.

Agabyada ay keydisay Munirah al-Sinani oo xiiseysa waxyaabihii hore, waxey dhammaantood iftiiminayaan ilbaxnimada dhaqan ee bulshada Sacuudi carabiya.

Dhalinyarada soo booqda madxafkeeda ayey ku boorisaa inaysan ka tagin dhaqankii awoowayaashooda.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version