Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Inter Milan oo Barcelona kula biirtay tartanka loogu jiro xiddiga Georginio Wijnaldum

Inter Milan oo Barcelona kula biirtay tartanka loogu jiro xiddiga Georginio Wijnaldum

0

Himilo – Inter Milan ayaa Barcelona kula biirtay tartanka loogu jiro saxiixa ciyaartoyga kooxda Liverpool ee Georginio Wijnaldum.

Hoggaamiyaha Barca, Ronald Koeman ayaa dhawaan xaqiijiyay rabitaankiisa ku aadan laacibka ay isku qaranka yihiin kaasi oo uu doonayo inuu u dhaqaaqo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda bisha January.

Warsidaha Talyaaniga ee Calciomercato ayaa sheegay in Inter Milan isku diyaarineyso dalab ay ka gudbinayaan laacibkan.

Wijnaldum heshiiskiisa kooxda waxa uu dhacayaa dhammaadka fasalkan isaga oo iska diiday ka jawaabidda weydiimo la xiriira haddii uu qandaraaska u kordhinayo naadiga iyo in kale.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version