Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Waa kuwee xiddigaha suuragalka ah in ay iska iibiso Man United bisha...

Waa kuwee xiddigaha suuragalka ah in ay iska iibiso Man United bisha January?

0

Himilo – Manchester United ayaa la werinayaa in ay iibin doonaan ugu yaraan seddex ciyaaryahan marka la gaaro bisha January xilligaasi oo uu furmi doono suuqa kala iibsiga.

Sida ay ku warrameyso Manchester Evening News, United  ayaa qaadan doonta go’aan ay liiska ciyaartoydeeda ugu saareyso laacibiinta Sergio Romero, Marcos Rojo iyo Phil Jones.

Mid kasta oo kamid ah seddexdan laacib kuma soo bilaaban hal kulan tan iyo markii uu billowday ololaha 2020-21. Sidoo kale xiddigaha ay suura galka tahay ka tegidda Old Trafford waxaa kamid ah Timothy Fosu-Mensah, inkasta oo aan si rasmi ah loo shaacin arrimaha laacibkan.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version