“Waxaan tiiraanyo iyo tacsiba la wadaagaynaa dhibanayaasha iyo bulshada kale ee Maraykanka,” ayay ku tiri warbixin ay soo xigatay aboutislam.net Nihad Awad, oo kamid ah National Executive Director of the Council on American-Islamic Relations (CAIR).
“Muslimiinta iyo dhaladka kale ee reer Maraykanka waa inay degdeg kaga fal-celiyaan musiibada kuna deeqaan dhiigooda,” ayay sii raacisay.
Dhacadadii shalay waxaa ku dhintay 59 qofood oo ku sugnaa goob bandhig faneed ay ka socotay.
In ka badan 500 ayaana ku dhaawacmay toogashada.
Dilaaga oo lagu sheegay Stephen Paddock, oo 64-jir ah, ayaa toogasho ku furay dad gaaraya 22,000 oo ku sugnaa Mabidala Bay ee Las Vegas.