Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Arrimaha Bulshada Muslimiinta Mozambique oo wajahaya xaalado adag bishan Ramadaan

Muslimiinta Mozambique oo wajahaya xaalado adag bishan Ramadaan

0

Himilo FM –Muslimiinta ku nool jasiiradda Ibo ee dalka Mozambique oo ay ku dhufatay duufaan xooggan ayaa ku nool xaalado adag iyagoo la hardamaya soonka xilli ay burbureen masaajida magaalada islamarkaana ay jirto cunto yari.

Jasiiradda oo dhacda xeebta waqooyi bari ee Mozambique ayaa kamid ah gobolada sida xun ay u saameysay duufaantii Kenneth ee bishii hore.

Dadka deggan jasiiradda oo badankood ah Muslimiin ayaa noqday gabaad la’aan iyagoo heysta keliya goobo kooban oo ay ku cibaadeystaan.

Duufaanta ayaa burbur xooggan ku reebtay masaajida iyadoo haweenka aysan heli karin masaajid ay u cibaado tagaan.

“Dad yar ayaa ka soo qeybgala Salaadaha sababtoo ah masaajida way burbureen,” ayuu yiri Muzasufar Abakari oo ah madaxa tuulada Guludo.

Qaar kamid ah Muslimiinta ayaa raadin u gala cunto ay ku afuraan iyagoo inta badan qaata buskutka leh tamarta xooggan oo ay bixiyaan hay’adaha gargaarka.

“Muslim ahaan, waan soomanahay laakiin ma heysano cunto aan qaadano.” ayuu yiri Abakari

Duufaanta ku dhufatay Mozambique ayaa galaafatay nolosha 41 qofood iyadoo boqolaal kale ka barakicisay waqooyiga dalkaasi.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version