Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Muxuu Shaqiri ka yiri xiriirka kala dhaxeeya Jurgen Klopp?

Muxuu Shaqiri ka yiri xiriirka kala dhaxeeya Jurgen Klopp?

0

Himilo – Muuqaal laga baahiyay Swiss FA, ayuu Xherdan Shaqiri ku sheegay in waayihiisa Liverpool yahay  mid wanaagsan isla markaana  uu ku faraxsan yahay kooxda Merseyside.

Laacibka qaranka Swiss ayaa sheegay in xiriir wanaagsan uu kala dhaxeeyo Jurgen Klopp, balse uusan aheyn dookha koowaad ee kusoo bilaabashada Liverpool.

Liverpool ayaa heysata ciyaartooy badan oo weerarka ah sida Mohamed Salah, Sadio Mane, iyo Roberto Firmino, kuwaasi oo ay adag tahay in laga ciriirrsado booska joogtada ee naadiga.

Xherdan Shaqiri: “Warbaahintu waxay qortaa wax badan, laakiin dhammaadka waxaan ahay Liverpool. Waxaan heystaa wakhti oo aan kooxda ku joogayo, xaqiiqdii waxaan dareemayaa wanaag waxaana go’aansaday in aan iska sii joogo Liverpool.”

Xherdan Shaqiri ayaa inta badan ciyaara doorka Liverpool ee koobabka EFL Cup iyo FA Cup.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version