Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Manchester United oo dib ugu laaban doonta arrinka Jadon Sancho bisha Janaayo

Manchester United oo dib ugu laaban doonta arrinka Jadon Sancho bisha Janaayo

0

Himilo – Manchester United ayaa la werinayaa in aysan ka quus dhigin saxiixa Borussia Dortmund ee Jadon Sancho iyaga oo u dhaqaaqi doona bisha Janaayo marka uu furmo suuqa kala iibsiga.

Red Devils ayaa si xooggan loola xiriirinayay laacibka qaranka England, laakiin waa ay ku hungoobeen soo qaadashadiisa, iyaga oo awoodi waayay bixinta dalabka lacageed ee BVB oo gaarsiisan £108 milyan.

Sida ay ku warrameyso Manchester Evening News, 20-jirkaan ayaa weli kamid ah kuwa ugu sarreeya oo ay dooneysa Manchester United. Kooxda ayaa dib isagu dayi doonta soo qaadashadiisa xiddigan bisha Janaayo.

Warbixinnadu waxay intaasi raacnayaan in weeraryahanku damacsan yahay ka dhaqaaqitaanka Signal Iduna Park xagaaga soo aadan, waxaana xiisa xoogan kaga imaanayaa Liverpool, Bayern iyo Real Madrid.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version