Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Habka-Nolosha 90-jir baraneysa habka loo isticmaalo Laptop-ka

90-jir baraneysa habka loo isticmaalo Laptop-ka

0

Himilo – Mary Mathews, oo ku nool koofur-galbeed Hindiya ayaa hantisay qalbiyada dadka isticmaala mareegaha internet-ka, markii la arkay muuqaal iyada oo isticmaaleysa Computerka gacan ku qaadka ah.

Waxaa raacsanaa muuqaalkaasi qoraal u dhignaa, “Ayeeydeey oo 90-jir ah oo baraneysa habka loo adeegsado Laptop-ka si ay u aqriso mareegaha wararka lagu faafiyo, waxaan filayaa inay dooneyso inay aqbasho oo ay la qabsato isbadelka la mahdiyay.”

Arun Thomas oo muuqaalkan la wadaagay bulshada, ayaa sheegay in wali ayeeydii ay wargeysyada lagu faafiyo Internet-ka ka doorbideyso kuwa kale ee wadooyinka lagu iibiyo, kuwaas oo la jaanqaadaya jiilkeeda.

Mary Mathews waxey dhalatay sanadkii 1930-meeyadii, xilligaas oo uusan jirin Compuetrka gacan ku qaadka ah ee Laptop-ka.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version