Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Macluumaad Naxash jira 2,500 oo sanno oo laga helay Masar

Naxash jira 2,500 oo sanno oo laga helay Masar

0

Himilo – koox baarta raadadka qadiimiga ah, ayaa soo helay 27-naxash, kuwaas oo la rumeysan yahay inay jiraan 2,500 oo sanno.

Waxaa laga helay qabuuraha qadiimka ah ee Saqqara, halkaas oo hooy u ah mid ka mid ah ahraamta dhawrsan ee Masar.

Wasaaradda dalxiiska Masar, ayaa sheegtay in 27-ka naxash oo aanan wali la furin ka sameysan yihiin Alwaax.

Bishii Maarso ee sannadkan, dowladda Masar ayaa dib u furtay Djoser-haramkii ugu horreeyay ee la dhiso-, kaas oo dib u dayactir lagu sameeyay.

Dib usoo celintiisa oo qaadatay 14-sanno, waxaa ku baxday aduun lacageed ku dhaw 6.6-milyan oo doolar.

Inkastoo la ogolaaday inay booqdaan dalxiisayaasha, haddana ma badna dadka booqanaya feyruska Corona dartiis, kaas oo wada gaaray dunida.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version