Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Macluumaad Nin dhegtiisa ku buufiyay sun cayayaanka suu u dilo Baranbaro ku dhex...

Nin dhegtiisa ku buufiyay sun cayayaanka suu u dilo Baranbaro ku dhex jirtay

0

Muqdisho – Kadib isku-day badan uu ku rabay inuu iskaga soo bixiyo Baranbaro ku jirtay gudaha dhegtiisa, ninka reer Shinees ayaa go’aansaday inuu tallaabta ugu danbeysa ka dhigo inuu sun ku buufiyo si uu ugu dhex dilo cayayaanka ku jira.

60-jirkan ayaa u sheegay dhaqaatiirta caafimaadka in Baranbaro ay dhex gashay dhegtiisa bilowga bishan. Wuxuuna tlmaamay inuu dareemayay dhaqdhaqaaqeeda, sidaas darteed wuxuu isku dayay inuu xoog uga soo saaro isaga oo adeegsanaya qaabab badan.

Ugu horreyn wuxuu isku dayay inuu gacmihiisa u adeegsado, kadibna wuxuu adeegsaday istakiin iyo wixii la halmaala – hayeeshe midna ma noqon mira-dhal.

Kagadaal markaas, wuxuu xittaa isku dayay inuu cayayaankan ku cabsi galiyo isaga oo gacmihiisa ku garaacaya madaxiisa, hayeeshe taasina uma shaqeynin.

Saddax maalin kadib, cayayaankan ayaa u muuqday mid kusii dhaadhacaya dhegtiisa, waana markaas kolkii uu qaatay go’aan quus ay ka keentay. Wuxuu soo qaatay sunta lagu dilo cayayaanka isaga oo ku buufiyay dhegtiisa.

 

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version