Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Habka-Nolosha Ozil oo taageere la xanuunsan Kansar ku marti-geliyay gegida Emirates.

Ozil oo taageere la xanuunsan Kansar ku marti-geliyay gegida Emirates.

0

Muqdisho – Mezut Ozil waxay u aheyd habeen fiican kulankii ay 2-0 kaga adkaadeen Sunderland – tiiyoo Ozil uu kaalin muuqata ku lahaa bandhigii xalay. Hayeeshe laacibka Qaran Jarmalka wuxuu aad ugu riyaaqay in riyada wiil 11-jirka uu run u badalo.

Kubad-sameeyaha Arsenal, ayaa marti-geliyay Charlie, oo ah taageere da’yar ah oo la dhiban xanuunka Kansarka Maskaxda kadib dhamaadkii ciyaarta. Waxaana intaas dheereyd, in wiilka iyo waalidkiisaba lagu soo wareejiyay gegida kooxda kahor intaan dhibanaha la guddoonsiin ‘biladda Man of The Match’ oo Ozil la siiyay.

Booqashada waxaa soo abaabulay ururka samafalka Kansarka ee  My Shining Star, oo Charlie ka caawiyay inuu la kulmo Ozil. Waxayna labadooduba ugu danbeyn kusoo wada wareegeen garoonka.

ozil

 

 

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version