Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro PSG oo ku biirtay loolanka loogu jiro Lukaku

PSG oo ku biirtay loolanka loogu jiro Lukaku

0

Himilo FM –Paris Saint-Germain ayaa dooneysa inay dalab u dirto weeraryahanka Manchester United Romelu Lukaku, sida laga soo xigtay warbixin.

Kooxda heysata horyaalka Faransiiska ayaa dooneysa inay keento ugu yaraan hal weeraryahan oo cusub ka dib markii xilli ciyaareedkii ugu fiicnaa ee Parc des Princes u maamulay Thomas Tuchel.

Iyadoo Edinson Cavani la filayo inuu si fudud ugu biiro Atletico Madrid, The Express ayaa soo jeedineysa in Lukaku uu ka mid yahay kuwa loo arko beddelkiisa.

Si kastaba ha ahaatee, PSG waxay dooneysaa keliya inay sameyso dalab  toos ah haddii ay seegaan bartilmaameedka ugu sarreeya oo ah Nicolas Pepe oo lala xiriiriyay kooxo kale.

Lukaku ayaa dhaliyay 15 gool tartamada oo dhan xilli ciyaareedka 2018-19, waxaana ay u badan tahay inuu xagaagan ka dhaqaaqayo United.

Inter Milan, oo haatan uu maamulo macallinkii hore ee Chelsea Antonio Conte, ayaa loo arkaa inay ugu cadcad yihiin saxiixa xiddigan qiimo dhan 80 milyan oo ginni.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version