Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Valencia oo ku dhaw inay heshiis la gaarto Hernandez

Valencia oo ku dhaw inay heshiis la gaarto Hernandez

0

Himilo FM –Valencia ayaa ku dhaw  inay lasoo saxiixato weeraryahanka West Ham United Javier Hernandez.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Maksiko ayaa labadii xilli ciyaareed ee lasoo dhaafay ku qaatay Hammers isagoo dhaliyay 15 gool 53 kulan oo uu saftay Premier League.

Sida laga soo xigtay The Sun, taasi waxay keentay in Valencia ay iska diiwaan galiso xiisaha ay u qabto 31 jirkan oo uu qandaraaskii ka haray hal sanno.

Warbixinta ayaa sheegeysa in Valencia ay dooneyso inay 8 Milyan oo ginni ku kharash gareyso Hernandez, waxaana la soo jeediyay in West Ham ay diyaar u tahay inay ganacsi ka sameyso qiimahaas.

Manuel Pellegrini ayaa hore u oggolaaday Samir Nasri iyo Andy Carroll inay kaga tagaan kooxdiisa safka koowaad si xor ah.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version