Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Arrimaha Bulshada Qofkii ugu horreeyay aduunka ee loo galiyo kelyo doofaar oo geeriyooday

Qofkii ugu horreeyay aduunka ee loo galiyo kelyo doofaar oo geeriyooday

0

Himilo – Rick Slayman, oo 62 jir ah, ayaa geeriyooday bilo kaddib markii uu noqday qofkii ugu horreeyay aduunka oo la galiyo kelyo doofaar. Dhacdadan oo ahayd tallaabo dhanka caafimaadka loo qaado ayaa lagu sameeyey Isbitaalka Guud ee Massachusetts bishii Maarso, kaddib markii uu Rick la xanuunsaday cudurka kelyaha.
Isbitaalku wuxuu carabka ku adkeeyay in geerida Rick aysan la xiriirin qalliinka uu maray. Rick, oo ahaa maamule ka tirsan Waaxda Gaadiidka ee Massachusetts, ayaa isbitaalka laga saaray bishii Abriil kaddib qalliinka, iyadoo dhaqaatiirtu rajaynayeen in kelyaha cusub ay sii shaqayn karaan sanado badan. Waxaa jira arrimo badan oo aan la aqoon oo ku saabsan in xubnaha xawayaanka aan loo gudbiyo aadanaha.

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version