Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Real Madrid oo ka baxday xiisaha Paul Pogba

Real Madrid oo ka baxday xiisaha Paul Pogba

0

Himilo – Real Madrid ayaa dhawaan lala xiriiriyay u dhaqaaqista khadka dhexe ee kooxda Manchester United Paul Pogba xagaaga.

Los Blancos ayaa dooneysay cayaaryahanka ku guuleystay koobka adduunka suuq furankii la soo dhaafay iyada oo Pogba qudhiisa uu daneynayay u dhaqaaqista garoonka Bernabeu.

Si kasta, warbaahinta Spain ee Marca ayaa soo warinaysa in Madrid ay ka baxday xiisaha laacibka Faransiiska ah islamarkaana ay hadda diiradda saareyso bartilmaameedyo kale sida weeraryahanka Borussia Dortmund Erling Braut Haaland.

Juventus ayaa sidoo kale lala xiriiriyay Pogba iyada oo wakiilkiisa Mino Raiola uu shaaciyay in ku biirista kooxda reer Talyaani ay xiiso u leedahay laacibka.

Pogba ayaa keliya saftay siddeed kulan xilli cayaareedkan, waxaa ugu wacnaa dhaawacyo. United ayaa la aaminsan yahay inay ku dooneyso laacibka adduun dhan £150 Milyan.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version