Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Waa kuma weeraryahanka Gent oo ay doonayaan inta badan kooxaha Ingiriiska?

Waa kuma weeraryahanka Gent oo ay doonayaan inta badan kooxaha Ingiriiska?

0

Himilo – Liverpool iyo Chelsea ayaa kula tartamaya Manchester United saxiixa weeraryahanka kooxda Gent Jonathan David xagaagan.

20 jirka ayaa soo jiitay kooxaha waaweyn ee Yurub isaga oo bandhig wanaagsan ka sameeyay Belgium-ka markii uu dhaliyay 18 gool islamarkaana uu caawiyay siddeed keliya 25 kulan xilli cayaareedkan.

Xiisaha ugu badan ee loo qabo laacibka waxa uu ka imaanayaa kooxaha horyaalka Ingiriiska iyada oo Man United loo arko kooxda sida weyn loola xiriirinayo cayaaryahanka.

Si kasta, The Express ayaa soo warinaysa in Liverpool iyo Chelsea isha ku hayaan laacibka iyaga oo daawaday kulanka kooxdiisa kaga hortimid Roma ee Europa League-ga.

Tottenham Hotspur  iyo Leicester City ayaa sidoo kale diiradda saaraya saxiixa cayaaryahanka reer Canada.

David ayaa kamid noqday kooxda safka koowaad ee Gent xilli cayaareedkii hore. Tan iyo xilligaasi, waxa uu dhaliyay 37 gool halka loo diiwaan geliyay 15 caawin 81 kulan oo ah tartamada oo dhan.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version