Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Habka-Nolosha Real oo dooneysa Antonio Conte iyo Ancelotti oo ku wajahan Blues-ka.

Real oo dooneysa Antonio Conte iyo Ancelotti oo ku wajahan Blues-ka.

0

Muqdisho – Warar ka soo baxaya The Sun ayaa sheegaya in Real Madrid ay soo qaadaneyso Antonio Conte bedelka Zidane Zidane, iyada oo Daily Record ay soo warisay in Carlo Ancelotti uu ku laaban doono Stamford Bridge kahor xilli ciyaareedka soo aadan.

Tababaraha Chelsea ayaa si aad ah loola xariirinayaa shaqada Real, wuxuuna kamid yahay tababarayaasha ugu sarreeya liiska musharaxiinta u calaamadeysan Real Madrid ee badelka u noqon kara Zidane, halka Ancelotti uu wada-hadalo la yeeshay milkiilaha kooxda The Blues ee Roman Abramovich.

Intii u dhexeysay sanadihii 2009-2011, Carlo Ancelotti ayaa kasoo shaqeeyey garoonka Stamford Bridge.

Qore: Abdiaziz Adan Urur.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version