Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Romelu Lukaku ‘kuma faraxsana Chelsea’

Romelu Lukaku ‘kuma faraxsana Chelsea’

0

Himilo – Weeraryahanka Chelsea Romelu Lukaku ayaa sheegay  inuusan ku faraxsanayn kooxda, waxaana lagu wadaa inuu ka tago Stamford Bridge xagaagan.

28-sano jirkaan ayaan ka soo dhalaalin qiimihii lagu soo gaday oo ahaa 97.5 milyan ginni, wuxuu dhaliyay keliya 12 gool 34 kulan oo uu u saftay kooxda  tartamada oo dhan.

Lukaku ayaa wareysi uu siiyay warbaahinta Talyaaniga sanadkii hore ku qirtay inuu ku rajo weyn yahay inuu dib ugu laabto Inter Milan.

Lukaku ayaa kaliya shan gool dhaliyay 19 kulan oo Premier League ah oo uu u saftay Chelsea xilli ciyaareedkan, qandaraaska uu kula jiro kooxda ayaa ku eg 2026.

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version