Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Arrimaha Bulshada Romeo Cox: 10-jirkii u jaray 1,700-mile si uu ula kulmo ayeeydiis

Romeo Cox: 10-jirkii u jaray 1,700-mile si uu ula kulmo ayeeydiis

0

Himilo – Booqashada dadka aan jecelnahay waxey noqotay mid ah ay ku hor gudban yihiin caqabado dhowr ah, cudurka dunida ka dillaacay dartiis.

Balse, Romeo Cox oo toban jir ah ayaa go’aansaday inuu caqabadaasi ka gudubo si uu ula kulmo ayeeydii oo 77-jirta ah.  

Ma jirin wax diyaarad ah oo ka baxayay degaankiisa Palerma ee Talyaaniga oo aadayay halka ay ku noolashahay ayeeydii oo London ah, isu socodka xanniban awgii, wuxuuse go’aansaday in uu jaro dhul gaaraya 1,700-mile oo u dhiganta ku dhawaad 2,800KM.

Markii go’aankiisii uu ka dhabeeyay lana kulmay ayeeyadii ayuu u sheegay The Times of London “Ma arkin ayeeydeey muddo sanad iyo bar ah, sidaasi darteed iyada oo lagu jiro xannibaadda ayaan go’aansaday inaan la kulmo”

Safarka Romeo waxa uu qaatay muddo 93 cisho ah, waxaana u wehel yeelayay kaliya aabihii, iyaga oo sii maray dalalka Switzerland iyo France illaa ay ka gaaraan Ingiriiska.

Waxay ay mararka qaar raacayeen Doon, Baaskiil iyo Dameer waxa uuna sheegay Romeo inay wax fudud inaay xilliyada qaar lugeeyaan kumanaan kilo mitir.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version