Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Macluumaad Sac helay gurmad hay’adeed!

Sac helay gurmad hay’adeed!

0
Sacii ka badbaaday gowraca!

Himilo – Saca ayaa ku jiray guriga gowraca ee la geeyo lo’da la doonayo in la qalo. Waxaa la arkay isaga dhex meereysanaya magaalada Salzburg kaddib markii uu ka soo baxsaday kawaankii lagu hayay.

Haweeneydii lahayd oo isku dayaysay inay qabato balse ay u suura gali wayday waxay dhacdadan ku wargelisay hay’adda Gut Aiderbichi ee ka shaqeysa u sama falidda xayawaanada.

Hay’adda waxaa u suura galay inay badbaadiso saca argagaxsanaa. Geesta kale hay’addu waxay milkiilaha u sheegtay inay siin doonto mag-dhawga dhaqaalaha uu ka heli lahaa hilibka saca.

Sacan oo lagu Magacaabo Lieni waxaa loo oggolaaday inuu si farxad leh ugu noolaado beer ku taalla Austria kaddib markii ay soo fara-galisay arrintiisa hay’adda samafalka.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version