Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Manchester City oo qiimo sare ku dooneysa Romelu Lukaku

Manchester City oo qiimo sare ku dooneysa Romelu Lukaku

0
romelu-lukaku

Himilo – Manchester City ayaa lagu soo warramayaa in ay doonayso soo qaadashada weeraryahanka  Inter Milan ee Romelu Lukaku.

Citizens ayaa la filayaa in ay dukaameysi sameeyaan dhammaadka ololaha 2020-21, kaasi oo ay ku doonayaan weeraryahan cusub, waxaana loo arkaa beddelka gooldhaliyaha ugu sarreeya kooxda ee Sergio Aguero.

Sida ay werineyso The Telegraph, City ayaa diyaarineysa £200m si ay xagaagan u hagaajiyaan safkeeda waxaana ka qeyb ah xiddiga Lukaku.

Laacibka qaranka Belgium ayaa dhaliyay 51 gool isaga oo kooxda reer Italy u ciyaaray 73  kulan oo ay ku jiraan 17 gool oo ololahaan 2020-21 ah markii uu saftay 22 kulan  dhammaan tartamada

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version