Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Habka-Nolosha Sacuudiga: Maxkamad xukun ku riday haweenay aflagaadeysay saygeeda hore

Sacuudiga: Maxkamad xukun ku riday haweenay aflagaadeysay saygeeda hore

0

Himilo -Maxkamad ku taalla Sacuudiga ayaa ku xukuntay haweenay xarig dhan muddo seddex maalin ah kaddib markii lagu eedeeyay inay WhatsApp-ka ka aflagaadeysay saygeeda hore.

Waxay sidoo kale go’aamisay maxkamadda in aysan haweenayda ku laaban karin ficilkii ay sameysay oo dacwad uu ka gudbiyay ninkeeda hore.

Wargeyska Cukaad ee maxaliga ah ayaa qoray in ninkii hore ee haweenayda la xukumay in uu ka cabanayay farriimo aflagaado ah oo WhatsApp-ka ay ugu soo dirtay xaaskiisii hore oo ay kala tageen 5 sanno kahor.

Haweenayda u dhalatay Sacuudiga ayaa tobbanaan farriimo ah u dirtay saygeeda hore iyadoo ku tilmaamtay in uu yahay “ Sheydaan iyo doqan.”

Waxaa kale oo kamid ah erayada kuwa ka tarjumayay cunsurinimo sida uu tilmaamay wargeyska Cukaad.

Iyadoo ka hadleysay xukunkeeda, waxay xustay in farriimaheeda ay jawaab u ahaayeen kuwa uga yimid ninkeeda hore oo uu ku sharaf dilayay.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version