Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Macluumaad Kenya oo qabanaysa bandhig ku saabsan qaxwada iyo shaahiga

Kenya oo qabanaysa bandhig ku saabsan qaxwada iyo shaahiga

0

Himilo -Wakhti wanaagsan ayaa ku soo wajahan dadka deggan magaalada Nairobi ee xiiseeya qaxwada, shaahiga iyo shukulaatada iyadoo magaalada lagu qabanayo bandhig caalami ah inta u dhaxaysa 22-24 bisha November ee soo socota.

Kenya ayaa noqonaysa dalkii ugu horreeyay ee Afrikaan ah ee qabta bandhigga loogu magac daray “safarka dhadhanka” oo ku saabsan nuucyadda qaxwada, shaahiga iyo shukulaatada.

Wargeyska Nairobi News ayaa qoray in la filayo in bandhigga uu soo jiito 40 kun qofood oo la siin doonno fursad ay kula kulmaan maamulayaasha shirkadaha sameeya qaxwada.

Waxaa intaa dheer in qof kasta oo ka qeyb  galaya bandhigga loo diyaariyay koob qaxwo, shaahi iyo shukulaato.

Bandhigga ayaa sidoo kale waxa uu ka kooban yahay fadhiyo lagu baranayo sida loo diyaariyo qaxwo leh dhadhan wanaagsan iyo shukulaato macaan.

Shaahiga iyo qaxwada ayaa kamid ah tiirarka dhaqaalaha Kenya iyadoo lagu tiriyo illaha dakhliga ee dalkan uu leeyahay sida uu tilmaamay wargeyska Nairobi News.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version