Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Arrimaha Bulshada Sacuudiga: Shuruudaha guur ee gabar dhallinyaro ah oo dood laga keenay

Sacuudiga: Shuruudaha guur ee gabar dhallinyaro ah oo dood laga keenay

0

Himilo FM –Dalka Sacuudiga, dood adag ayaa ka dhalatay shuruudo guur oo ay soo bandhigtay gabar islamarkaana loo arkay kuwa aan macquul aheyn sida laga soo xigtay warbaahinta dalkaasi.

Fowz Alcatiibi ayaa difaacday shuruudaha guurka oo ay shaacisay iyadoo tilmaamtay in ninka jecel ee dareenka uu dhab ka yahay in uusan ka labalabeyneyn qaadashada shuruudaha.

Shuruudaha gabadha u dhalatay Sacuudiga waxaa kamid ah in ninkeeda uu u qabto khaadimad ama haweenay guriga uga adeegta, in uu siiyo guri madax bannaan oo ku yaalla magaalada Riyadh, in uu wanajiyo dhaqankeeda iyo in uu siiyo lacag magdhaw ah oo dhan nus Milyan oo ah Riyaalka Sacuudiga haddii uu damco in uu furo iyada oo aan oggoleyn.

Dood adag ayaa ka dhalatay shuruudaha oo ku jiray nikaaxa gabadha iyadoo Fows la kulantay dhaleeceyno xooggan oo ka yimid qeybaha kala duwan ee bulshada dalkaasi.

Dad badan ayaa dhaliilay shuruudaha heshiiska iyaga oo tilmaamay inay si tabban u saameynayaan dhaqanka guurka islamarkaana xummeynayaan xiriirka wanaagsan ee nuucaasi ah.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version