Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Macluumaad Sahan: Jaamacadaha ugu wanaagsan caalamka oo la magac dhabay

Sahan: Jaamacadaha ugu wanaagsan caalamka oo la magac dhabay

1

Himilo- Kharashka, deegaanka iyo tayada ayaa kamid ah halbeegga ay ardayda ka eegaan jaamacadaha, haddana sumcadda waxay leedahay kaalin muhiim ah.

Sahan ay sameysay Times Higher Education ayaa daaha ka qaaday jaamacadaha dunida kuwa ugu wanaagsan iyadoo la qiimeeyay ku dhawaad 1300 oo hay’ado waxbarasho ah.

Waxaa laga eegayay jaamacadaha dhinacyo dhowr ah sida habka waxbarashada, baaritaanada, dakhliga iyo ardayda caalamiga ah ee dhigata.

Sannadkan, majirin isbadal badan marka la fiiriyo jaamacadaha ugu sarreeya liiska xilli jaamacadaha Yurub iyo kuwa Waqooyiga Ameerika ayaa difaacday kaalmahooda.

Jaamacadda Oxford ayaa timid kaalinta ugu horreysa caalamka oo dhan sannadkii 4aad oo xiriir ah iyadoo jaamacadda la tartanta ee University of Cambridge fariisatay kaalinta seddexaad.

Switzerland ayaa ah dalka keliya ee ka baxsan Ingiriiska iyo Waqooyiga Ameerika ee jaamacadiisa ETH Zurich soo gashay kaalinta 13aad.

Ellie Bothwell oo tafaftire ka ahayd sahanka ayaa sheegtay in inkastoo Yurub muujisay tayo sarreysa oo ay ku soo jiidatay caalamka kale haddana inay jiraan caqabado horyaalla.

10-ka Jaamacad ee ugu sarreysa caalamka

1) University of Oxford

2) California Institute of Technology

3) University of Cambridge

4) Stanford University

5) Massachusetts Institute of Technology

6) Princeton University

7) Harvard University

8) Yale University

9) University of Chicago

10) Imperial College London

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version