Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Habka-Nolosha Shaqaalaha Ingiriiska oo looga farxinayo seddex berri oo fasax ah toddobaadkii

Shaqaalaha Ingiriiska oo looga farxinayo seddex berri oo fasax ah toddobaadkii

0

Himilo- Ingiriiska ayaa doonaya in uu qaato go’aan rasmi ah oo maalmaha shaqada ka dhigaya 4 maalmood halka ay immika ka yihiin 5 maalin sida uu qoray wargeyska The Guardian.

Waxa uu imaanayaa go’aanka iyadoo shirkadaha gaarka loo leeyahay ee Ingiriiska shaaciyeen in aan loo baahneyn wakhti badan oo ay shaqeeyaan dadka marka la eego casriga maanta.

Shirkadaha ayaa xusay in shaqaalaha la kulmaan cadaadis iyo daal badan 5-ta maalin ee shaqada xilli ururada shaqaalaha sameeyeen dibad baxyo ay ku dalbadeen in maalmaha shaqada laga dhigo 4 maalin.

Shirkado badan sida shirkada Pursuit Marketing, Normally iyo Simply Business ayaa ka dhigaya saacadaha shaqada 4 maalin toddobaadkii.

Tani waxay ka dhigan tahay in wakhtiga shaqada uu noqonayo Isniin illaa Jimco sida uu tilmaamay wargeyska The Guardian.

Ujeedada ugu weyn ee go’aanka ayaa lagu sheegay inay tahay in shaqaalaha laga yareeyo cadaadiska shaqada ee ku keeni kara culeysyo caafimaad.

Sannadkii 2017-dii, 57% shaqaalaha Ingiriiska ayaa dhibanayaal u noqday xannuuno kala duwan sabab la xiriirta walwalka oo intiisa badan ka dhashay cadaadiska shaqada.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version