Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Arrimaha Bulshada Samafale shaqaaleysiiya dadka naadafada ka ah maqalka

Samafale shaqaaleysiiya dadka naadafada ka ah maqalka

2

Himilo – Uwe Brutzer, milkiilaha foorno lagu dubo rootiga oo ku taalla bartamaha Shiinaha, ayaa shaqo abuur u sameeya dadka naafada ka ah maqalka, go’aankaas oo ay adag tahay in dadka badankii ku dhiiradaan.

Samafale brutzer, ayaa isaga iyo xaaskiisa waxey tageen Shiinaha sanadkii 2002-dii, markaas oo ay wateen hay’ad caawisa caruurta dhagaha la’.

Sagaal sanno kadib, 2011-kii ayuu go’aansaday inuu furto foorno soo saarta rootiga, waxaana illaa iyo waqtigaasi uu tababaray shaqana u abuuray ku dhawaad 20 ruux oo naafa ka ah maqalka.

Qaarkood ayaa u shaqa tagay foornooyin kale, maqaayado iyo hoteelo. Waxey adeegsadaan luuqadda tilmaamta si ay ugu adeegaan macaamiisha ku xiran.

Wan Ting, oo ah 28-jir maqalka naafa ka ah, ayaa yiri isaga oo adeegsanaya luuqadda tilmaamta “Aad ayey u adag tahay inaad shaqo heshid adiga oo aan helin ruux ku caawiya”.

Qiyaastii 20 illaa 30-milyan oo ruux oo naafa ka ah maqalka ayaa ku nool Shiinaha.

2 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version