Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Macluumaad Sawir sabab u noqday dhimashada Dhallaan

Sawir sabab u noqday dhimashada Dhallaan

0

Himilo – Wiil laba sanno iyo bar jir ah ayey baddu la tagtay wadanka Hindiya, xilli hooyadii ay ku mashquulsaneyd galidda sawir Salfie ah.

Boliiska ayaa sheegay in haweeyneydan iyo caruurteeda ay ku sugnaayeen xeebta magaalada Alappuzha. Mar ay isku dayday inay sawir gashana ay mowjado xoogan oo hir ah ku dhufteen xeebta, kuwaas oo la tagay wiilka yar.

Kooxo gurmad ah ayaa wali baadi goobaya Adhikrishna, iyada oo gudigga daryeelka Caruurta degmada Alappuzha ee koofurta India-na ay wadaan dacwad ka dhan ah hooyada.

Dhacdadan ayaa hadal hayn ka dhex abuurtay bulshada Hindiya, iyadoo dadka qaar ay dayacaad ku eedeeynayaan hooyada dhashay wiilka baddu qaaday.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version