Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Caafimaad Caruus xabsiga la dhigay xafladiisii aqal-galka kadib

Caruus xabsiga la dhigay xafladiisii aqal-galka kadib

0

Himilo – Boliiska magaalada Ras Al Khaimah ee waqooyiga dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa xabsi dhigay aroos cusub, markii uu dhigtay xaflad aqal-gal ah.

Waxa uu wajahayaa eedeyn ah inuusan raacin hab-raacyada loo dajiyay la dagaalanka Feyruska Corona iyo inuu baraha bulshada dhigay muuqaalaha arooskiisa, taas oo kalifi karta in dad kale u daydaan.

Waxey sheegeen boliiska in wiilkan arooska ah la marin doona dhammaan shuruucda lagama maarmaanka ah.

Waxaa hadda baqdin qabaa xaaladda martidii ka qeyb galay xafladaasi arooska ah,kuwaas oo aanan laga war hayn.

Badi dowladaha caalamka ayaa dejiyay habraacyo lagu xakameynayo isdhexgalka bulshada,si looga hortago in xanuunka COVID-19 uu ku fido mujtamaca dhexdooda.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version