Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Saxiixa cusub ee Barcelona oo ammaan huwiyay Messi

Saxiixa cusub ee Barcelona oo ammaan huwiyay Messi

0

Himilo -mSaxiixa cusub ee kooxda Barcelona Francisco Trincao ayaa qiray in uu Messi yahay mid kamid ah cayaaryahannada uu ku deydo.

Intii lagu guda jiray suuq furankii bishii Janaayo, Barcelona ayaa shaacisay inay heshiis kula soo wareegtay 20 jirka oo u cayaarayay Braga.

Kahor inta uusan u soo wareegin Camp Nou, Trincao ayaa qiray in uu aad ula dhacsan yahay Messi iyo sidoo kale laacibka reer Portugal ee Cristiano Ronaldo.

Isaga oo la hadlayay kanaalka Youtube-ka Barcelona, weeraryahanka ayaa yiri ” Xaqiiqdii, waxaan doonayaa in aan la kulmo oo aan wax ka barto, maxaa yeelay waxaan ka hadleynaa mid kamid ah cayaaryahannada ugu wanaagsan dunida.”

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version