Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Dhaqaale Shaqadiisa ayuu waayay sabab la xiriirta COVID19 balse waxa uu noqday Milyaneer

Shaqadiisa ayuu waayay sabab la xiriirta COVID19 balse waxa uu noqday Milyaneer

0

Himilo – Waxa uu shaqadiisa ku waayay sabab la xiriirta xannuunka safmarka ah ee COVID19 laakiin daaqad kale oo dhaqaale ayuu ka helay adduun dhan 4.8 Milyan oo doolar.

Wiilkan dhallinyarada ah oo aan la magac dhabin ayaa kamid ah kumanaan reer Australia ah oo shaqooyinkooda waayay kaddib markii shirkado badan xermeen islamarkaana uu dhaqaalaha dalka wiiqmay.

Wargeyska Mirror ee dalka Ingiriiska ayaa qoray in wiilka oo ku jira da’da labaatameeyada uu ku guuleystay bakhtiyaa nasiib. Waxa uu xaq u leeyahay in la siiyo 20,000 doolar bil kasta 20-ka sanno ee soo socota ama in mar qura la siiyo 4.8 Milyan.

‘Waxaan waayay shaqadeyda, walwal badan ayaan dareemay, laakiin bakhtiyaa nasiibka waxaan ka helay farxad,’ ayuu yiri da’yarka reer Australia oo diiday in la shaaciyo magaciisa.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version