Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Habka-Nolosha Shaxdii ugu wanaagsaneyd Euro 2016 oo la soo saaray

Shaxdii ugu wanaagsaneyd Euro 2016 oo la soo saaray

0

Inkastoo badi kulankii ugu danbeeyay tartanka uu banaanka dhaawac la joogay Ronaldo misna waxaa lagu soo diray saf kooxeedkii ugu wanaagsanaa tartankaan.

Cristiano safka waxaa ku wehlinaya saaxiibadiisa xulka Portugal Rui Patricio, Pepe iyo Raphael Guerreiro. Sanches oo loo doortay da’yarkii ugu wanaagsanaa ee tartanka ayaaanse nasiib u yeelan inuu safkaan lug ka helo.

Xulka Wales oo uu hogaaminayay Bale waxaa keliya oo laga soo xushay Joe Allen iyo Aaron Ramsey oo u kala cayaara kooxaha Liverpool iyo Arsenal.

Jarmalka ayaa safkan ku leh saddex cayaartoy oo kala ah Joshua Kimmich, Jerome Boateng iyo Toni Kroos iyadoo xulkii tartanka marti gelinayay ee Faransa uu ku leeyahay labada boos ee soo haray, waxaana u soo galay shaxda wiilasha kala ah Antoine Griezmann iyo Dimitri Payet.
 

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version