Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Daraasad Daraasad lagu ogaaday in dadka isla hadla ay yihiin kuwa guuleysta

Daraasad lagu ogaaday in dadka isla hadla ay yihiin kuwa guuleysta

1

Dad badan ayaa aaminsan in dadka isla hadla keligood ay ku dhawyihiin waali ama ay ku soo socoto iyagoo u arka isla hadalka qofka keligii isagoo ah inay tahay calaamad lagu garan karo inuu qofku waali qatar ugu jiro.

Sidaa iyadoo ay tahay ayaa daraasad dhawaantan la sameeyay oo uu daabacay wargeyska Daily Mail waxaa lagu sheegay in dadka isla hadla keligood in aysan ku dhaween waali taa bedelkeedana la dhihi karo waa dadka guuleysta.

Daraasadda oo qubaro ay sameeyeen ayna ka qeyb galeen 45,000 oo qof ayaa lagu cadeeyay in isla hadalka kelinimada ah uu dhiirogelin u yahay qofka, horseedna uu u noqon karo inuu guuleysto.

Sababtaa ayay sheegeen qubaradu inay la xariirto waxa ku kalifaya qofka inuu isla hadlo oo la sheegay inay noqon karaan himilooyin uu hiigsanayo ama dhibaato uu ka murugoonayo oo ku dhacday oo uu xal doon u yahay.

Daraasadda Qubaradda sameeyay waxa ay aaminsanyihiin in uusan marnaba keligii isla hadlin qof aan qorshe qiyaasan laheyn oo aysan waxna u muuqan.

Ugu danbeyn Daraasadda ayaa muujisay in dadka isla hadla ay yihiin kuwa ku guuleysta nolosha si ka duwan kuwa aan keligood isla hadlin.

Xigasho: Daily Mail

W/T: Mahad Mohamed Ali

Mahat335@gmail.com

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version