Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Habka-Nolosha Shirkad shaqaale u qaadanaysa dhadhaminta macmacaankeeda!

Shirkad shaqaale u qaadanaysa dhadhaminta macmacaankeeda!

0
Macmacaanka

Himilo – Shirkad laga leeyahay dalka Canada waxay raadineysaa khubaro u shaqeeya kuna takhasusay dhadhaminta macmacaanada  ay sameyso.

Fadhiga shirkadda ayaa ah gobolka Ontario ee bariga Canada, shaqadan ayaa la oggol yahay in meelo fog laga hawsha qabto iyadoo halkii saac qofka la siinayo $47 Doollar.

Hawlwadeenna shaqadooda ugu weyn waxay tahay inay dib u eegaan iyagoo hubinaya dhadhanka 3,000 oo macmanaan ah isuguna jira nacnacyo iyo shukulaatooyin.

“Musharixiintu waa inay ahaadaan kuwo leh doonis iyo rabitaan sare oo ay ku tijaabinayaan macmacaanka la soo saaro, si daacadnimo ah,” sidaa waxa lagu yiri qoraal la baahiyay.

Shaqan waxaa loo codsan karaa hab online ah, waxay ku eg tahay in la aqbalo dadka doonaya 15 bisha February, sannadka 2021.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version