Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Arrimaha Bulshada Shirkadda Google oo yareyneysa xogta ay kaydineyso

Shirkadda Google oo yareyneysa xogta ay kaydineyso

0

Himilo – Shirkada Google waxay tirtiri doontaa dhammaan xogta ay ka hayso goobaha ay isticmaaleyaashu booqdeen, sida ay shirkaddu sheegtay, sanad kadib markii ay ballan-qaaday in ay yareyneyso xogta gaarka ah ee ay kaydineyso.

Astaanta shirkadda ee “Timeline” – oo horay loogu yiqiin Location History – wali way u shaqeyn doontaa dadka doorta inay isticmaalaan, iyagoo awood u leh inay dib ugu raacaan taariikhda safaradooda muddo sanado ah si ay u hubiyaan halka ay joogeen wakhti cayiman.

Laakiin dhammaan xogta lagama maarmaan ah ee loo baahan yahay si astaantan ay u shaqeyso waxaa lagu kaydin doonaa gudaha, taleefannadooda ama tablet-yada isticmaalayaasha, iyadoo midkoodna uusan ku keydsanaan doonin server-yada shirkadda.

Isticmaaleyaasha ayaa wali awood u yeelan doona inay keydiyaan xogtooda haddii ay ka walwalsan yihiin in ay lumiyaan ama ay rabaan inay ku keydiyaan qalabyo kala duwan.

Email ay shirkadda Google u dirtay dadka adeegsado MAPS, waxay sheegtay in isticmaaleyaashu haystaan ilaa 1-da December si ay u kaydiyaan dhammaan safarradii hore ka hor inta aan si toos ah loo tirtirin.

 

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version