-
- Ardayda iskuulada oo wax imtixaan ah galin saddexda sano ee ugu horreysa.Fikraddan ah in ardayda wax imtixaan ah laga qaadin ilaa sanadda afraad ay ka gaaraan waa dhaqanka iy Qiyamka Dalka Japan.
Sida uu qabo dhaqanka Japan waa in caruurta sanooyinka hore iskuulka lagu baro waxyaabaha qadiimiga ah ee dalka iyo aadaabta intii imtixaan laga qaadi lahaa.
Waxay hoosta ka xarriiqday dawladu inay waajib tahay aragtida lagu hormarinayo dabeecadaha carruurta lana xoojiyo xushmadda dadka kale ay u hayaan.
- Ardayda iskuulada oo wax imtixaan ah galin saddexda sano ee ugu horreysa.Fikraddan ah in ardayda wax imtixaan ah laga qaadin ilaa sanadda afraad ay ka gaaraan waa dhaqanka iy Qiyamka Dalka Japan.
- Nadaafadda iskuulada oo ay u xil saaran yihiin ardayda bedelkii shaqaalaha nadaafadda.
Ardada reer Japan waxa ay nadiifiyaan fasallada iyo musqulaha qabeyska. Nuxurku waxaa weeye in ardayda la baro iskaashi kooxeed, wadaagidda masuuliyadda, iyo is-ixtiraamka dhexdooda.
Waxaa laga yaabaa in cashirkaas ama hawshaas ardayda ay ku bartaan sida loo daryeelo dadka kale, maaddaama dabeecadahooda la dhisayo.
Ardayda waxaa loo kala saaraa koox-koox inta hawsha lagu jiro, sanad walbaa waxaa lagu sameeyaan isku shaandheyn, sidaa daraadeed arday walba wuxuu helayaa khibrad uu ka dhaxlo hawlaha uu qabanayo.
- Ardayda oo la siiyo cunno isku mid ah oo isku dheelli tiran.
Marka laga soo tago ardayda qaba xasaasiyadda oo dalab gaara leh, ardayda kale ee reer Japan waxa ay helaan hal dalab oo kaliya, halkaa dugsiyada mareykanka iyo dalalka kale qaarkood la isticmaalo cunnooyin kala ceyn ah.
Dhallaanka Japan waxa la baraa cunooyinka caafimaadka laga helo, waxaana caruurta wax u kariya kariyaal aqoon leh aadna loogu tababaray maadooyinka cunta karinta.
Barayaasha iyo ardayda wey isla qadeeyaan, taasi oo loogu tala galay xoojinta xiriirka ka dhaxeeya ardayda iyo macalimiinta.
- Ardayda Japan Dugsiyada waxaa lagu baraa farshaxan dhaqameedka dalka.Waxaa aas-aas u ah shuruucda dalkaas in ardayda la baro dhaqanka dalkooda sida – Shodo iyo haiku – oo ka mid ah dhaqamada ay qaddariyaan.
Ardayda waxaa lagu baraarujiyaa qiyamka dalka, dhaqamadii hore ee uu lahaan jiray dalku iyo kheyraadka dalka uu leeyahay.
- Ardayda Japan oo dhan waxa ay iskuulada u xirtaan dhar isku mid ah.
- Ardayda Japan Dugsiyada waxaa lagu baraa farshaxan dhaqameedka dalka.Waxaa aas-aas u ah shuruucda dalkaas in ardayda la baro dhaqanka dalkooda sida – Shodo iyo haiku – oo ka mid ah dhaqamada ay qaddariyaan.
Laga soo bilaabo iskuulada hoose iyo kuwa sare, dhamaan ardayda Japan waxaa laga rabaa iney xirtaan dhar isku nooc ah iyagoo kala heer sareeya, balse waxa ay isticmaalaan dhar badan oo ay la wadaagaan militariga, bad-maaxayaasha.
Dhaqankaas ardayda waxa uu dareensiiyaa iney hal bulsho yihiin, sidoo kale in aysan jrin wax faquuqid ah iyo kala koreyn, tani ardayda waxa ay u ogolaaneysa iney diiradda saraan wax barashada. Qaar ka mid ah iskuulada Japan waxa ay leeyihiin sharciyo aad u adag oo ku dhisan waxa la yiraahdo Fashion oo ardayda waxaa lagu amraa iney boorsooyn soo qaataan ay hab gaar u habeeyaan timahooda.
- Ardayda oo la siiyo cunno isku mid ah oo isku dheelli tiran.
