Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Arrimaha Bulshada Suudaan: 70 qof oo u dhintay cudurka daacuunka labo maalin gudahood

Suudaan: 70 qof oo u dhintay cudurka daacuunka labo maalin gudahood

0

Wasaaradda Caafimaadka Sudan ayaa Khamiistii sheegtay in ugu yaraan 70 qof ay u dhinteen cudurka cholera magaalada Khartuum laba maalmood gudahood.

Warbixin laga soo xigtay warbaahinta maxalliga ah ee Sudanakhbar ayaa sheegay in mas’uuliyiintu ay la tacaalayaan faafitaanka cudurka cholera ee caasimadda iyo nawaaxigeeda.

Arbacadii, wasaaraddu waxay diiwaan gelisay 942 kiis oo cudurka ah iyo 25 dhimasho, iyadoo Talaadadii la diiwaangeliyay 1,177 kiis iyo 45 dhimasho.

Dowladdu waxay horey u shaacisay bishii August 2024 in cudurka cholera uu noqday masiibo qaran.

Adeegyada caafimaadka Sudan ayaa si weyn u burburay tan iyo markii uu bilowday dagaalka sokeeye ee u dhexeeya militariga Sudan iyo ciidamada RSF bishii Abriil 2023.

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version